DAAWO-Madaxweynaha Puntland oo Saaka Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah iyo Khudbadihii La Jeediyey.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Puntland.

Imtixaankaan oo ay u fariisteen ku dhowaad 16,000 oo arday ayaa waxaa madaxweynuhu si rasmi ah xariga ugaga jaray dugsiga sare ee Gambool Garoowe, waxaana uu halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Khudbadaha kadib madaxweynaha ayaa kormeeray fasalada imtixaanka lagu gelayo oo uu ka qaybiyey waxaana ardayda wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo dareen ku dheehan in maanta ay u fariistaan imtixaanka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

1 Comment

  1. Haddi la tusayo wasiirka waxbarashada ee dawladda federaalka Goodax, sida huffan oo aan laalaabka lahayn ee loo qaado imtixaanada shahaadiga, miyuunan ku filleen dhiggiisa Puntland inuu daahfurka sameeyo. Protokoolku sidaa ayuu ku wacnaa.
    Deni ma hawl la’aan baa haysa? Dalkii oo dhan baa sugayee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.