DAAWO-Masuulkii Puntland u Magacawday Sool oo Tukaraq Xilka Kula Wareegey Durbana Hanjabaad Diray.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Masuuliyiin katirsan xukuumadda Puntland iyo saraakiil ciidan ayaa deegaanka Fallaydh-yaale ee gobolka Sool kaga qaybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayey maamulka cusub ee gobolka Sool.

Munaasabaddaan xil wareejinta ah ayaa waxaa dadkii ka qaybgalay ay maamulka cusub ee gobolka Sool u rajeeyeen inuu ka soo boxo waajibaadka loo igmaday kana shaqeeyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa gobolka Sool guud ahaan.

Maamulka cusub ee gobolka Sool ay u magacawday Puntland ayaa markii uu xilka la wareegey ku hanjabay inuu sida ugu dhaqsaha badan uga howlgeli doono guud ahaan gobolka Sool oo deegaamo katirsan Somaliland gacanta ku hayso.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.