DAAWO-Puntland oo Fallaydh-yaale Isugu Yeertay Dhammaan Masuuliyiinta Reer Sool ee Xilalka Haya, Xilli Somaliland Qorshaynayso…

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Xukuumadda Puntland ayaa la soo baxday qorshe cusub oo ay ku wajahayso gobolka Sool xilli 12 sano ay Somaliland gacanta ku hayso magaalada madaxda gobolkaasi ee Laascaanood iyo deegaamo kale.

Shalay waxaa xilka la wareegey maamulkii cusbaa ee uu gobolka u magacaabay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxaana munaasabadda xil wareejinta lagu qabtay deegaanka Fallaydh-yaale oo xarunta gobolku ku sii shaqayn doono laga dhigay.

Kadib xil wareejinta waxaa maaliniada Khamiista ah deegaanka Fallaydh-yaale looga yeeray dhammaan masuuliyiinta xilalka kahaya gobolka Sool ee Puntland si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo xaalka gobolku uu ku sugan yahay iyo marxaladaha taagan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Somaliland ayaa gobolka Sool ka wada qaban qaabada xuska maalinta qaranimada maamulkaasi ee lagu magacaabo 18 May waxaana dhowaan uu shaaciyey in lagu qaban doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi iyo deegaamo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.