DAAWO-Taliska Ciidanka Puntland oo Digniin Culus Soo Saaray Shaaciyeyna In Madaxweyne Denni, Axmed Karaash iyo Guddoomiye Dhoobo Ay….

Puntlandnews.net (Garoowe)-Taliska guud ee ciidanka ammaanka gobolka Nugaal ayaa awaamiir culus ka soo saaray xaaladda ammaan ee magaalada Garoowe, qaadashada hubka sharci darrada ah iyo bacda madaw (Beersoolka) ee lagu xiro gaadiidka.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa waxa uu sheegay in magaalada Garoowe wixii hadda ka dambeeya aan hub lagu dhex qaadan karin isla markaana tallaabo laga qaadi doono ciddii lagu helo.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in bacda madaw ee beersoolka ah ay sidoo kale mamnooc katahay magaalada ayna kaliya u ogol yihiin madaxda ugu saraysa dowladda sida madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo keliya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO AWAAMIIRTA

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.