DAAWO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Gobolka Sanaag iyo Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Gaarey Goobihii Shalay.

Puntlandnews.net (Badhan)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xaaladda deegaamada Damalla-xagarre iyo Carmaale ay degan tahay kadib dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaamadaasi.

Ciidanka maamulka Somaliland ee laga soo diray Yubbe ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin deegaanka Carmaale oo ay xoog ku qabsadeen kana horjoog sadeen waftigii wasiirka waxbarashada ee dowladda Puntland.

Dhanka Damalla-xagarre ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo shalay ku guulaystay inay deegaanka ka difaacaan ciidanka Somaliland ee duulaanka qaawan ku soo qaaday.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka Damalla-xagarre oo la hadlay Puntlandnews ayaa noo sheegay in dadka deegaanku ay siweyn uga xumaadeen falalka foosha xun ee Somaliland ay kawado deegaanka isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan maamulka Hargaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.