DEG DEG-Somaliland oo Xaalad Kale Kaga Furantay Gobolka Sanaag iyo Malayshiyaad Buux Dhaafiyey Ceel-afweyn.

Puntlandnews.net (Badhan)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad u dhexaysa beelo walaala ah ay ka taagan tahay deegaamo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland kana tirsan gobolkaasi.

Xiisaddaan oo ka soo cusboonaatay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay soo laba kaclaysay kadib markii xalay deegaanka lagu diley nin dhalinyaro ah oo katirsanaa mid kamid ah labada beelood ee dirirtu ka dhexayso.

Maleyshiya beeleed ku hubaysan qoryaha fudud iyo gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay kusoo qulqulayaan deegaankaasi waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ka dhex qarxo haddii aysan waxgaradku ku guulaysan damintiisa iyo kala qaadista ciidanka.

Arrintaan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli gobolka Sanaag ay ka taagan tahay xiisad u dhexaysa ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ku sugan gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Yubbe iyo deegaamada hoosyimaada.

2 Comments

  1. Waqooyi Galbeed & Waqooyi Barri,waxay ahayen dhulka somaliya ugu Amaan wanagsan somaliya inteda kale, dadku waxay ahayen dad ilbax ah oo kala xishoda oo is xaq dhawra,waxay ahayen dad is afgarta oo wax kala iibsada oo aan dhibato dhex oo lin,xalku hada sidi ma’ah dadku wax dhex galay siyasad aan khayr lahan oo dhib kenaysa.

  2. Civil war with in isaaq tribes in hargeyso burco and Berbera because terrorist groups are been breading much faster than traditional in Berbera burco and hargeyso. 1990

Leave a Reply

Your email address will not be published.