DHEGAYSO-Puntland iyo Hirshabeelle oo Heshiis Kala Saxiixday, Dad Kuxiran Boosaaso oo La Siidaynayo & Dhaqaale Sanad…

Puntlandnews.net (Garoowe)-Mudadii uu Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sugnaa Magalada Garoowe waxaa uu kulamo mira-dhalay la qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,iyaga oo kala saxiixday dhowr heshiis.

Heshiisyada ayaa waxaa ka mid ahaa in Puntland ay siideyso dad kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabeelle oo Maxaabiis ahaan ugu xeran deegaanada Maamulkaasi Puntland si uu u dhexmaro labada maamul iskaashi dhinac walba ah.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid ay ku wada hehsiiyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Hir-Shabeelle,isla markaana uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay Afhayeenka in sidoo kale Madaxweynayaasha ay isla soo qaadeen iskaashi la xiriira Amniga,Federaaliisimka iyo Ganacsiga intaba.

Kulankii fashil ku dhamaaday ee Garoowe ka dhacay ayaa waxaa ay fursad u noqotay maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle oo heshiis dhinacyo badan taabanaya la galay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

DHEGAYSO

1 Comment

  1. Aniga waxay ila tahay heshiska cusub ee dhex maray 3 mamulgobaled ee magalada garoowe heshiska ku garay in uusan mamulada kale waxba udhiman,waxad ogtihin shirki 5 mamulgobaled ee somalida & xukumada muqdisho markey shiren oo lagu heshin wayey waten shirka iskaga bexen galmudug oo uu hogaminayo madaxweyne Xaaf & Axmed madobe oo ah madaxeweynaha jubbaland,waxay isku dheceen madaxweynaha D.F Somaliya mr farmajo & R/wasare khayre,khilafka ba’an 4 masuul aya ugu kulula,sida isharadu dhigeyso 5 mamulgobaled waxay u’ekan karta in danohodo isku aragti ka dhex muqato,inkasta oo 2 mamul gobaled oo kala ah hirshabele & konfurta galbed Cago’adag oo aay ku tagnan karan aay san lahan marka calku kululado,sababtoo ah dhanka dhaqalaha & midka siyasada & nabadgalyada iskuma fila mamulkoduna isma racsana oo wa dad kala Qaysan,dhismohodana xukumada muqdisho & Tii Xassan gurgurte Ayaa As Astay,madaxweynaha puntland waxuu Cayaraya karar Siyasaded oo siyasadisa & shacbiga uu masulka kayahay in uu gulo habeysan uhorsedo,waxad lasocotan in uu heshi layahay ama Xulifo Axmed madobaha jubaland Axmed Xaafka galmudug,waxad oganaysan ina farmajo & ina khayre mid kod in Dadku Qadi Dono hadey Ayamo sii waraqdo,2 Rux oo aan kafaloday hadey is adkeyan 2 ama sadex bilod waxii kadanbeya cagaha dhulka kuma han karan.sababto ah 4 arimod Dartod,Besha Calanka oo wax tagero ah uhaan marka laga rebo 2 Dawladod oo kala ah Qadar & Turkiga kuwasi hader waxba uma tarayan dhaqalohodi aya burburay,dhaqlihi aay horay usiiyen waxba kuma aay qaban wa lakala xaday Qarna waxay kubexen wax aan munasib Dawlo ahan oo si gara aya lo isticmalay,si kastaba ahate Qadar & Turkiga wax Danbe oo dhaqalo ah masinkaar somaliya,turkiga iyo Qadar dhaqalohoda %80 ayuu hoose udhacay,Mucaradka muqdisho & Alshabb hadey ku kululeyan Qolana Qarxyada kordhiso Qolana mucaradnimada Diciif ayey noqonayan ina farmajo & ina khayre,waxa kale oo isku dhex yaci dona Barlamanka muqdisho oo hatan intisa badan jahwer kujira,mesha kaliya oo lo baxsan dono waxay noqon Donta 5 mamulgobaled,hadan Rabi farad furin ina farmajo & ina khayre waxay wadan 1991 Dawladi marki laga codsaday in wadanka labadbasho aay dideen oo xukunka isku dhajiyen melkastana jabhado hubeysan so faristen,Alaha unaxariste waxu yiri beeraha Qoto Xabadina Dariiq kasta aya lala tagan yhay Tii mid shabahada aya mesha iga muqanayasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.