Jawiga Magaalada Galkacyo oo Maanta Kacsan iyo Banaan Baxyo Xoog Leh oo Hareeyey.

Puntlandnews.net (Galkacyo)-Magaalada Galakcyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan baxyo xoogan oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan bahda waxbarashada ee koonfurta magaalada Galkacyo.

Ardayda dugsiyada sare ee Gaalkacyo ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada,kuwasi oo si weyn uga soo horjeeda Go’aankii Wasiir Goodax Barre uu ku joojiyay kuna baabi’iyay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee u socday 31,500 oo ardayn.

Maalinimadii shalay ayaa gobolada dalka waxaa banaan baxyo ka sameeyey arday ka soo horjeeda go’aankii habeen horey uu ku dhawaaqay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, kaasi oo ahaa in gabi ahaanba la joojiyay lana baari’iyay Imtixaankii Mideysnaa oo ay qaadesay dowladda, kadib markii qaar kamid ah Maadooyinka loo helay qaab qish ah.

Dhanka kalena, wasiirka wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu shaaciyay in imtixaanka dib loo geli doono 27-ka bishan May oo ay naga xigaan maalmo kooban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.