Kadib Shirkii Garoowe Madaxweyne Ku-xigeenka oo Tuutaha Xidhay Gaareyna Jiidaha Hore iyo Dagaal Loo Diyaar Garoobey.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo howlo shaqo u jooga gobolka Gedo ayaa dib u habeyn ku sameeyay Ciidamada ku sugan degaanka Ceelwaaq.

Madaxweynaha ku xigeenka ayaa sheegay in Ciidanka ku sugan gobolka Gedo ay u baahan yihiin dib u habeyn iyo taageero, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu sheegay in Jubbaland ay bilowday dhismaha Ciidan xooggan oo ka qeyb qaadan doona dagaal Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ku sugan yihiin ee Jubbooyinka.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay bilo koobani ka dhimman yihiin waqtiga xil haynta madaxda hadda jirta ee Jubbaland isla markaana madaxweynaha Jubbaland uu dhowaan tuutaha u qaatay dagaal uu sheegay in lagu difaacayo Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.