Kumanaan Arday oo Saaka u Fariisanaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Saaka waxaa magaalada Garoowe si rasmi ah looga daahfuri doonaa imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018 ilaa 2019, kaasi oo ay sanadkaan u fariisan doonaan in ka badan 15,000 oo arday.

Imtixaanka oo laga furi doono dhammaan gobolada Puntland ayaa waxaa sanadkaan ka qaybgeli doona in ka badan 15,000 (Shan iyo toban kun) oo arday reer Puntland ah xilli lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo uu weheliyo wasiirka waxbarashada ayaa lafilayaa inay imtixaanka si rasmi ah uga daahfuraan magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Golaha ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay ammaanka imtixaanka si looga dheeraado cidkasta oo doonaysa inay carqaladayso imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland kadib fashilka imtixaankii ay qaadaysay DFS ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.