Madaxweyne Muuse Biixi oo Berri Xuska 18 Ku Soo Bandhigaya Awooddiisa Ciidan & Dhigiisa Puntland oo Garoowe Kaga Dhawaaqi Doona.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa berri magaalada Hargaysa kaga qaybgeli doona xuska sanad guurada ka soo wareegatey xilligii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Magaalooyinka Boorama, Hargaysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood iyo kuwa kale ee gobolada ayaa lagu qaban doonaa xuska munaasabadda 18 May oo sanadkii hore aan siweyn loo xusin marka loo eego sanadkaan.

Ciidanka Somaliland, ardayda, shaqaalaha dowladda, dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa lafilayaa inay ka qayb qaataan bandhigyo iyo qoob ka ciyaaro lagu mari doono magaalada Hargaysa iyo deegaamada kale.

Dhinaca kalena, Puntland waxaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni uu berri xarigga ka jari doonaa imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo ay u fariisan doonaan in ka badan 15,000 oo ka qalin jebinaysa fasalada 8aad iyo 12aad ee sanadkaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.