MUUQAAL: Qareenadii Difaacayey Raggii Loo Xukumay Dilka Caa’isha Ilyaas oo Xog Badan Bannaanka Keenay iyo Rafcaankii oo La…

Puntlandnews.net (Garoowe)-Dhowaan maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay xukun toogasho ah ku ridey 3 kamid ah 10 eedaysane oo loo soo qabtay dilkii iyo kufsigii marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan.

Xukunka kadib waxaa gudoomiyaha maxkamaddu uu shaaca ka qaaday in 7 kamid ah eedaysanayaasha ay maxkamaddu siidaysay kadib markii lagu waayey eedaymihii loo haystay halka 3da la xukumayna ay haystaan rafcaan 30 maalmood ah.

Labo qareen oo u doodayey raggaan xukunka lagu ridey ayaa waxa ay bixiyeen waraysi xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan arrimo la xiriira kiiska dilka Caaisha Ilyaas, ragga saddexda ah ee xukunka ay maxkamaddu ku ridey iyo xogo ku saabsan arrintaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Waraysigaan oo ah qaybtii 1aad ee waraysiga qareenada waxaad kaga bogan doontaa xogo badan oo ku saabsan kiiskaan oo ahaa kii ugu hadal haynta badnaa dhulka Soomaalida sanadihii ugu dambeeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.