Sawirro-Ciidamo Loo Diyaariyey Jiidaha Hore oo La Soo Bandhigay iyo Dhoolatuskii Ugu Cuslaa oo Maanta Socda Xilli Denni iyo Xaaf Galkacyo Ku…

Degmooyinka  Guriceel & Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta dhoolatus Millateri ka sameeyay Ciidamada Maamulkii Gobolada Dhexe ee Ahlusunna balse haatan ku biiray  Maamulka Galmudug.

Dhoolatuskaas ayaa waxaa uu ahaa mid baroor diiqayo Ciidamada ku geeriyooday dagaalkii cuslaa e Gobolka Galggaduud ku dhexmaray Ciidamada Ahlusunna iyo Ururka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday taas oo sababtay in Ciidamada Ahlusunna ay deegaano la wareegaan.

Ciidamada ayaa dhoolatuskooda kasoo bilaabay Xeryaha Ciidamada ee duleedka degmooyinka guriceel iyo Dhuusamareeb,waxaana ay siwadajir ah u soo mareen Bartamaha xaafadaha degmadooyinkaas,iyada oo ay daawanayeen dadweyne ka kala yimid Xaafadaha degmooyinkaas.

Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Aas’aasayaashii Culimada Ahlusunna ayaa ka qeyb galay dhoolatuskaas,waxaana ay khudbado dardaaran ah u jeediyeen Ciidamadii dhaalatuska ka  sameeyay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

SAWIRRO

    

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.