Sawirro-Malayshiya Beeleed Taabacsan Puntland oo Qabsaday Damalla-xagarre Hanjabaadna u Diray Muuse Biixi.

Puntlanndews.net (Badhan)-Maalin kahor deegaanka Damalla-xagarre ee gobolka Sanaag waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland ee xoogga kujooga gobolka Sanaag iyo ciidamo ay wateen masuuliyiin katirsan Puntland.

Dagaalkaasi ayaa salka ku hayey in maamulka Somaliland uu doonayey inuu deegaamadaasi ka horjoog sado wafti uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ku sugnaa gobolka Sanaag.

Intaasi kadib beesha Warsangeli ayaa jawaab kulul ka bixisay waxaana Damalla-xagarre la wareegey boqolaal ciidamo beeleed ah oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee hubka iyagoona hanjabaad u diray madaxweynaha Somaliland.

SAWIRRO

5 Comments

  1. Inta Aan Runta Lagarin oo laga jawabin,Sanaag Barri Qaybo kamid ah maxa kenay Ciidamada somaliland??,waxanu maqalanay Dad warsangali ah oo siyasiin & isimo in hargeysa wax udoonteen,tasi waxay mujinaysa khaladka mesha kajira in dadka Qarki ku lug leyihin,maxayse hader warkoda lowayey?? kuwa somaliland wax kaso Qatay,

Leave a Reply

Your email address will not be published.