Shirar Dhaqaale iyo Hub Loogu Ururinayo Jabhadda Caarre oo Ka Socda UK iyo Dagaal Lagu Qaadayo Muuse Biixi.

Puntlandnews.net (Nairobi)-Magaalada Birmingham ee dalka UK ayaa waxaa ka dhacay shir ballaran oo taageero dhaqaale loogu yaboohayo jabhadda xoraynta bariga Somaliland ee uu hogaamiyo Corneal Caarre oo xilligaan isu diyaarinaysa dagaal ka dhan ah Somaliland.

Jaaliyada Isaxaaq Care ee UK Ayaa Shirkani Ku iclaamiyey Inay ku qabanayaan Magaalada Birmingham ee dalka Uk,Gar Ahaana Hotelka AMOORE HALL, 37 WHITMORE ROAD, B10 ONR,Kadibna Waxaa lacago loogu Uruurinaya Jabhada Si dagaal Ula Gasho maamulka Muuse Biixi.

Xukuumadda Somaliland waxa ay shirkaasi ku eedaysay inay ka dambayso dowladda federalka ah ee Soomaaliya isla amrkaana ay abaabulayaan shaqsiyaad ay sheegtay inay katirsan yihiin aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalkaan horay xilalka kala duwan uga soo qabtay maamulka Somaliland ayaa xilligaan waxa uu ku sugan yahay duleedka magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar halkaasi oo uu kasoo diyaarinayo dagaal uu kula Wareegayo Gobolka sanaag,waxaana uu Soomaliland uga Goostay cadaalad daro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.