VIDEO-Madaxtooyada Somaliland oo Shaacisay in Xariga Xildhibaan Dhakool Sharci Yahay Una Hanjabtay Beelaha Sool.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Maxamed Warsame Jaamac, afhayeenka aqalka madaxtooyada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, sharciyahay oo uu ka horyimi Qaranimada.

Maalmo kahor ayey ahayd markii gudiga joogtada ah ee golaha wakiillada iyo Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ayaa u sheegay in hannaanka loo maray xadhiga xildhibaan Dhakool sharcidarro tahay, kana soo horjeedo dastuurka Somaliland.

Shacabka kunool magaalada Laascaanood oo ah halka laga soo doorto xildhibaanka ayaa si adag uga horyimid waxaana ay sheegeen inuu u xiran yahay sharci darro isla markaana Somaliland ay tahay meel ay beel gaar ah leedahay.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.