VIDEO-Mid Kamid ah Beelaha Dhulbahante oo Beenisey inay Dishey Sarkaalkii Habar Jeclo ee Laascaanood Lagu Diley.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Qaar ka mida odayaasha gobolka Sool oo habeenimadii xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascanaood ayaa waxay eedaymo u jeediyeen Boqor Buur Madaow oo dhawaan Beesha Dhulbahante ayaa beeniyey inay ka beeshu ka dambaysay dil ka dahcay magaalada Laascaanood.

Waxgaradkaan oo ka soo jeeda Beesha Naaleeye Axmed ayaa beeniyey hadalka boqorka ee ahaa inay ka dambeeyeen dilka mid kamid ah saraakiishii ciidanka Somaliland kana soo jeedey beesha Habar-jeclo oo lagu diley magaalada Laascaanood.

Hogaanka Beesha Naleeye Axmed Ayaa Sheegtay in aysan Dilin Sarkaalkaasi habar jeclo islamarkaana aysan jirin xurguf kala dhexaysa beeshaasi ama sabab u noqon karta dilka sarkaalkaasi lagu diley gobolka Sool.

DAAWO

2 Comments

  1. Civil war with in hargeyso berebro and burco people of Isaaq has been breading terorist groups in hargyeso burco and berbero. 1990
    Iidoorka boqor maaha.

  2. Shiikhow faan badanaa.
    Boqorku war la hubo ayuu sheegay.
    Waxayba indiin tahay tani sharaf oo waxuu idiin qiray in habadiinu wax dili karto.
    Hadalkiina ka soo quad ” ala shiikhow faan badanaa “

Leave a Reply

Your email address will not be published.