VIDEO: Saacado Kadib Safarkiisii Garoowe MD Waare oo Amray in Xukuumadda Khayre Shaqaaleheeda Kala Baxdo Hirshabeelle ayna Isku Tashatay.

Puntlandnews.net (Muqdisho)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo kamid ahaa xubnaha maamul goboleedyada ee ugu dhow Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay war aysan ku farxin Villa Somalia.

Madaxweyne Waare ayaa waxa uu ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan ay deegaamada Hirshabeelle ay ugala baxdo dadka ay ka soo dirsatay magaalada Muqdisho isla markaana maanta laga bilaabo aysan shaqo ka qabsan doonin.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay Hirshabeelle isku tashan doonto isla markaana waxa uu balan qaad ballaaran u sameeyey sahcabka kunool deegaamadaasi, saacado uun markii uu ka soo laabtay Garoowe.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.