VIDEO-Somaliland oo Joojisey Ganacsi iyo Gaadiid Uga Imaan Jirey Puntland Xuduudkana Xiraysa.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay guud ahaanba joojisey qaar kamid ah ganacsigii ka soo geli jirey xuduudaha ay laleedahay Soomaaliya iyo dalalka kale ee deriska la ah.

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa joojisey shidaal uga imaan jirey dhanka deegaamada Puntland iyo badeecooyin kale taasi oo muujinaysa in ay xumaynayso xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya ganacsatada iyo bulshada labada maamul.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga xukuumadda Somaliland ayaa waxa uu sheegay in middaasi bedelkeeda ay door bidayaan inay shidaalka ka qaataan shirkadaha shisheeye ee gacanta loo geliyey kaydadka shidaalka ee Somaliland.

HOOS KA DAAWO

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.