VIDEO-Xaaladda Laascaanood oo Caawa Kacsan, Calanka Somalia oo Laga Taagey, Berri 18 May Mise Maalinta Nadaafadda iyo Sarkaal Laga DileY SL.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa caawa aad u kacsan waxaana laga cabsi qabaa gacan  ka hadal dhexmara ciidanka Somaliland, taageerayaasha Somaliland iyo shacabka ka soo horjeeda Somaliland iyo xuska 18 May.

Shacab ka soo horjeeda Somaliland ayaa calanka buluugga ah ee Soomaaliya galabta ka taagey goob ahaan ka dheerayn saldhigga ciidanka Somaliland ee Laascaanood, waxaana ay sheegeen in berri Laascaanood ay u tahay maalinka nadaafadda.

Dhinaca kalena, faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sarkaal katirsanaa ciidanka Somaliland kana soo jeedey gobolada dhanka waqooyi oo habeenimadii xalay ahayd dil qorshaysan loogu geystey gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Muuqaalkaan hoose waxaad kaga bogan doontaan xilka uu taliyahaasi ka hayey ciidanka Maamulka Somaliland, magiciisa oo afaran ama dhammaystiran, qabiilkiisa iyo wararkii ugu dambeeyey ee saaka ka socda gudaha magaalada Laascaanood.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.