Wasaaradda Waxbarashada,”Ma Jirto Cid Muran Gelin Karta Shahaadada Ardayda Puntland”. DAAWO.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Waxaa maanta si habsami leh iyo guul ku soo dhamaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay qaadaysay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland.

Madaxda wasaaradda oo warfaafinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in imtixaankii u socdey ku dhowaad 16,000 ee arday uu guul ku soo dhammaaday ayna hirgelintiisa kawada shaqeeyeen shacabka iyo dowladda Puntland.

Masuuliyiinta wasaaradda oo la waydiiyey cidda shahaadada siin doonta ardayda fasalka 12aad ee dugsiga sare maadaama xurgufi kala dhexayso DFS ayaa sheegay inaysan muran kujirin shahaadada ardayda Puntland ayna heli doonaan shahaado muctarifa aysanna jirin cid haysan karta.

Waxa ay sheegeen in ilaa 2003 ay wasaaraddu qaadaysay imtixaanka tayo wanaagsan waxkasta oo dhacana aan cidi muran gelin karin ayna warar been abuur ah yihiin xogaha sheegaya in wasaaradda waxbarashada DFS aysan bixin doonin.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO SHIRKA JARAA’ID

Dhinaca kalena, wasaaraddu waxa ay sheegtay inay xilligaan ku howlan tahay raadinta deeqaha waxbarashada ee dibadda iyo tayeynta jaamacadaha dalka si ay ardaydu wax ugu bartaan dhulkooda hooyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.