AKHRISO-Puntland oo Xil u Magacawday Shaqsi Ka Soo Jeeda Koonfur Galbeed iyo Sababta.

Puntlandndnews.net (Garoowe)-Kadib markii ay bilowgii sanadkaan iyo dhammaadka sanadkii hore xilalka qabteen madax cusub waxaa sii wanaagsanaanayey xiriirka maamulada Puntland iyo koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa magaalada Garoowe labo jeer ku qaabilay dhiggiisa koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay kawada hadleen xiriirka labada dhinac.

Labada masuul ayaa aad uga wada hadlay sidii reer Puntland ay sidii looga bartay u soo dhoweyn lahaayeen walaalohooda Koonfur Galbeed oo siweyn Puntland ugu soo hayaamay kadib burburkii dalka ganacsi ballaaranna ka samaystay.

Dhinaca kalena, waxa ay aad uga wada hadleen sidii xilal loogu magacaabi lahaa dadka ka soo kala jeeda labada dhinac ee ku  kala sugan deegaamada Puntland iyo Koonfur Galbeed ay xilligaan ka arrimiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed u magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal.

AKHRISO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.