BREAKING NEWS-Ciidanka Puntland oo Saaka Duulaan Aan Dhiig Ku Daadan Ku Qabsaday Magaalada…

War cusub oo hadda naga soo gaarey gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ay xilli hore oo saaka ah la wareegeen deegaanka Af-urur oo qiyaastii 90Km  u jira magaalada Boosaaso.

Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa deegaanka qabsaday iyadoo uusan wax dagaal ah ka dhicin kadib muddo labo beri ah oo la sheegay inay ku sugnaayeen rag katirsan kooxda Alshabaab.

Taliska ciidanka oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in deegaanku uu hadda kujiro gacanta ciidamad ayna wadaan baaritaano ku aadan malayshiyaadkii soo galay deegaanka iyo halka ay ku dambeeyeen.

Maalmo kooban kahor ayey ahayd markii ciidamadu ay ka soo bexeen deegaanka inkastoo aysan weli jirin cid ka hadashay sababta keentay inay banneeyaan haseyeeshee wararku waxa ay sheegayaan in safarka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee Boosaasso uu qayb ka ahaa qancinta ciidankaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.