Cabsi Ka Taagan Gobolka Sanaag, Dhimasho & Dhaawac Laga Soo Sheegay iyo Somaliland oo Kaga Dhawaaqday..

Puntlandnews.net (Badhan)-Xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay xiisado ka aloosnaayeen duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxaa maamulka Somaliland ka hadlay arrimahaasi.

Badhasaabka gobolka Sanaag ee maamulka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Ceerigaabo ayaa waxa uu ka hadlay xiisadihii ka taagnaa Darar-weeyne iyo Ceel-afweyn oo dhammaantooda dhaca duleedka Ceeri-gaabo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laamaha ammaankana ku wareejiyeen rag uu sheegay inay ka dambeeyeen dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Sanaag sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kalena, waxaa jirta xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ka aloosan deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag xilli ciidanka labada dhinac ay isku horjoogaan duleedka degmadaasi Yubbe.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.