DAAWO-Axmed Karaash iyo Wasiir Gallan oo Tuute Xirtay Jiidaha Horena Dagaal kaga Dhawaaqay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafti uu hogaaminayo ayaa tuute u xirtay xaaladaha taagan gaareyna jiidaha hore.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ay wehliyeen wasiirka amniga iyo taliska ciidanka Puntland ayaa waxa ay gaareen fariisimada ciidanka Puntland ee kuyaal deegaanka lagu magacaabo Af-urur ee gobolka Bari.

Waftigaani ayaa ciidamada iyo saraakiisha hogaaminaysa u sheegay inay u diyaar garoobaan dagaal laysaga difaacayo cadawga Puntland oo ay sheegeen inuu dhinacyo badan ka soo geli karo marwalbana loo digtoonaan doono.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.