DAAWO-Somaliland,”Shacabka Sool iyo Sanaag Waxay u Heelan Yihiin Inay Wax La Qabsadaan Somaliland”.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay rabitaanka bulshada kunool gobolada Sool iyo Sanaag oo ay deegaamo kamid ah kajirto xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inaysan dhibi jarin gobolada Sool iyo Sanaag isla markaana shacabka goboladaasi ay yihiin dad reer Somaliland ah.

“Sidaad ogsoontihiin shacabka kunool gobolada Sool iyo Sanaag waxa ay u heelan yihiin sidii ay wax ula qabsan lahaayeen walaalohooda Somaliland”, ayuu yiri wasiirka caddaaladda Somaliland oo ka soo jeeda Sanaag kana bariiseeya Hargaysa.

DAAWO

Hadalka ka soo yeeray maamulka Somaliland ayaa waxa uu ku soo beegmayaa todoaadyo uun kadib markii maamulkii gobolka Sanaag iyo ciidankii Somaliland ee gobolku ku biireen Puntland.

1 Comment

  1. Hello anigo Ahmed mooye leydhaho waxa u shegayh ninka beenta shegayo oo dhahayo somaliland ayey raban ninka laga sodirey hargeysa waxa ushagayh ninyaho intas aya laga tahy beenta ma iska deysid warya shacabka gobal sool inta gabdhihi inta xogdey wiilshi odeyashnh jel keysy qofki jelka laga sodayo 100 lagu sodanayo anigo Ahmed mooye leydhaho aya jogey ninyaho beenta wa laga xishoda Ahmed mooye leydhaho muuse tuug jeegan iyo ninka lagacta la siyey shacab gobalka sool sanaag wa dishan siba shacabka sool Ahmed mooye leydhaho tuugda muuse bixi sodirey xabad ba naga dhaxaso anigo Ahmed mooye intas hadaleyga ugu baxey bye reer puntalnd melkasta ad jogdin Nolada bye reer puntalnd

Leave a Reply

Your email address will not be published.