DAAWO-Waare oo Gaarey Beledweyne iyo Farmaajo oo Gudi Baara Askartii Dagaalantayna Qaqabta u Soo Diray.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ee Baladweyne ayaa markii uu gaaray Madaxweyne Waare waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha Hirshabeella Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa hada Shir Albaabada u xiran yihiin uu la leeyahay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi baaritaano ku soo sameeya u saaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kaasi oo lagu dilay Taliyihii Qeybta Booliska gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo Shir Jaraa’id warbaahinta Magaalada Muqdisho ugu qabtay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo dhacdadaas Maanta uu Guddi u magacaabay,isla markaana xusay Taliyaha in isaga uu Guddoomiye ka yahay Guddiga.

Sidoo kale Taliye Bashiir Jaamac ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga ay qeyb ka tahay Xeer Ilaalinta guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda,kuwaasi oo baaritaano dhab ah ku soo sameeyn doona wixii ka dhacay deegaanka kalabeyr ee lagu dilay Taliyihii Qeybta Booliska G/Hiiraan Maxamed Macow Xalane laguna dhaawacay Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Hirshabeelle.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.