Dagaal Waji Kale Leh oo Ka Qarxay Tukaraq iyo Guulo Saaka Laga Sheegtay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan inuu khasaare sababay dagaal halkaasi ku dhexmaray Jabhadda xoraynta Sool iyo Somaliland.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu  ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaaray inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog laga helo.

Xubin ka tirsan jabhadda Khaatumo oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaallamayaashooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido islamarkaana xiran ookiyaalaha habeenkii wax lagu arko ay gebi ahaanba gubeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaaray.

In ka badan hal sano iyo bar ayaa ciidamada Puntland iyo Somaliland isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay sanad kahor ka dheceen dagaalo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.