DEG DEG-Dowladda Soomaaliya oo Xil u Magacawday Nimcaan Hillaac.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayire Maareeye ayaa waxaa xil loogu Magacaabay Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan Hilaac.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Fanaanka Nimcaan Hilaac loo Magacaabay Agaasimaha Waxsoo-saarka iyo Howlgelinta Fanaaniinta Qaranka ee Hobolada Waaberi.

Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan Hilaac oo ka mid ahaa fanaaniinta Xidigaha Geeska ee ka dhisan Magalada Hargeysa Soomaaliland ayaa kasoo tegay deegaanadaas,isaga oo yimid magalada Muqdisho.

Fanaanka ayaa markii uu dib ugu laabtay Soomaaliland la xiray walow markii dambe uu fariisin ka dhigtay Magalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.