DEG DEG-Ku Dhowaad 40 Kamid ah Howl-wadeenadii Cisbitalka Garoowe oo Shaqadii Laga Ruqseeyey.

Puntlandnews.net (Nairobi)-War deg deg ah oo saaka naga soo gaarey Garoowe ayaa sheegaya in Puntland ay shaqadii ka ruqsaysay 37 shaqaale ah oo isugu jirey dhaqaatiir, kalkaaliyaal caafimaad dhammaantoodna ka howlgeli jirey isbitalka guud ee magaalada Garoowe.

Xubno katirsan maamulka cisbitalka ayaa waxa ay warkaan u sheegeen warbaahinta waxaana ay sheegeen in dadka shaqada laga ruqseeyay ay u badnaayeen kuwo shaqadoodii dayacay oo aan soo xaadiri jirin islamarlrkaana mushaar iska qaadan jiray.

Dhowaan ayey ahayd markii wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ay shaqadii ka raacdaysay agaasimihii, agaasime ku-xigeenkii iyo maamulkii maaliyadda ee cisbitalka xilli ay soo badanayeen cabashooyinka dadweynaha ee shaqada cisbitalka guud qaban jirey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.