DHEGAYSO-Maxay Puntland Kala Socotaa Duqaymaha Maraykanku Ka Fuliyey Buuraleeyda G Bari & Cidda Lala Beegsanayo.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Diyaaradaha dagaalka dalka Maraykanka gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay marar badan howlgallo qorshaysan ka fuliyaan Soomaaliya.

Inkastoo howlgallada ugu badan laga fuliyo koonfurta Soomaaliya haddana waxaa jira howlgallo qorshaysan oo laga fuliyo buuraleeyda Silsiladda Golis ee gobolka Bari oo katirsan deegaamada Puntland.

Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsadaa saraakiil iyo dagaal yahano katirsan kooxaha Daacish iyo Alshabaab oo ay Puntland dagaal kujirto, waxaana xubnihii ugu dambeeyey ee lagu diley kamid ahaa ku-xigeenkii hogaamiyihii Daacish ee Soomaaliya oo gaari uu watey lagu qarxiyey deegaanka Xiriiro ee gobolka Karkaar.

Haddaba maxay xukuumadda Puntland, taliska guud ee ciidamada Puntland iyo sirdoonkeeduba kala socdaan howlgalladaasi, xilliyada ay dhacayaan iyo qaababka loo fuliyo, waxaa arrimahaasi sharaxaya wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan.

DHEGAYSO

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.