VIDEO-Axmed Karaash oo Booqday Af-urur Saacado Kooban Kadib Markii Alshabab Laga Saaray iyo Wixii uu Kala Kulmay.

Puntlandnews.net (Garoowee)-Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqasho ku tegey deegaanka Af-urur ee gobolka Bari oo isla shalay ciidanka Puntland qabsadeen.

Madaxweynaha oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa waxaa deegaanka ku soo dhoweeyey saraakiisha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland iyo shacabka kunool deegaankaasi.

Waxa uu intaas kadib booqday talisyada ciidanka Puntland ee deegaanka isagoona shacabka kula hadlay goob fagaare aadna ugu booriyey inay ciidanka kala shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

DAAWO’

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.