XOG-Shirkii Beelaha Habar-jeclo iyo Garxejis oo Qarka u Saaran in Somaliland Loogaga Kala Tago iyo Siyaasiyiin Hanjabey.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Waxaa sii kordhaya hanjabaadaha iyo afkaaraha ka dhanka ah shir beeleed dhowaan lagu dhawaaqay in laba beelood ku qabsan doonaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Somaliland.

Siyaasi Cabdilaahi Cukuse oo xubin ka ah xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay shirka lafilayo inuu dhowaan magaalada Burco uga furmo qaar kamid ah beelaha Bariga Somaliland gaar ahaan beelaha Habar Jeclo iyo Garxejis.

Cukuse ayaa sheegay in shirkaasi uusan waqtigaan munaasabad ku ahayn Somalilan disla markaana uu u muuqdo shir waqtigaan aan looga baahnayn Somaliland abuurayana kala durugsanaan iyo kalatag dhanka beelaha ah.

“Arintaasi Maaha Mid Hada Ii Muuqata,Baahi Loo Qabo Inuu Shirkaasi Qabsoomana Ma Jirto”Hadii Ay Jirto In Cid Beelo Ah Shir Loo Qabto Ceel-Afweyn Ayaa U Baahan In Dadkii Nabada Qaatay Ee Magta Kala Qaatay, Calool Sami Danbe Laysugu Yeedj-yeedho,Oo Iyagii La Heshiisiiyo Oo Lakala Dhex Fadhiyo”

Siyaasi Cabdullaahi Cukuse waxa uu sheegay inaysan jirin sababo ay beelahaani kaga duwanaan karaan beelaha kale ee Somaliland ayna u qabsan karaan shirkaan, wuxuuna ku biirayaa siyaasiyiin badan oo horay u qaadacay shirkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.