WAR DE DEG AH: Cumar Cabdirashiid oo maanta jawaab adag siisay Xasan Sheikh Maxamuud kuna tilmaamay….

Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta isagoo khudbad ka jeedinayay barlamaanka Soomaaliya wuxuu jawaab ka bixiyay hadalo kasoo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaasoo madax uu kamid yahay Cumar Cabdirashiid ku eedeeyay inay badda Soomaaliya heshiis kula galeen dowladda Kenya.

Raysal wasaare  Cumar Cabdirashid ayaa si adag u difaacay isaga iyo masuuliyiintii kale ee ku lugta lahaa arrimaha badda Soomaaliya, wuxuuna nasiib darro weyn ku tilmaamay iyadoo dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaan hadana in dad masuuliyiin oo qaarkood dhintay jaa’ifo loo geysto.

“Waxaan gollaha u codeynayaa guusha hadda laga gaaray muranka badda waa mid soo bilowday sanadkii 2009, hadana waxaan idiin balanqaadayaa in taako kamid ah biyaha Soomaaliya aan lagusoo xad gudbidoonin,” ayuu yiri raysal wasaaraha Soomaaliya.

Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale iska fogeeyay inuu wax hanti ah sameystay mudadii uu ahaa raysal wasaaraha Soomaaliya, isagoo sheegay arrintaas inay kala weyn tahay sumcada isaga iyo qoyskiisu ku leeyihiin siyaasada Soomaaliya.

Puntlandnews.net